Muqdisho,(SONNA):- Dhallinyaradii S.Y.L, haddii ay keeneen gobonimo, iyagoo ka hor tagay gumeyste damaciisu ahaa in gacanta hoostiisa ay geliyaan madax bannaanida dalkeenna,sidaasina taariikhda ay ku galeen, dhallinyarada hadda u bareertay howlgalka Khawaarijta miyey ku guuleysan doonaan in Soomaaliya ay ka dhigaan mid ka caaggan argagixisada sidaasina taariikhda ay ku galaan?
Muddo wadankeennu, wuxuu ku jiray amni-daro soo martay heerar kala duwan, waxayse ugu darneyd in xaaladdaas ay ka faa’ideystaan Khawaarij aan xurmeyn Diin iyo dhaqan iyagoo adeegsanaya dhallinyaro ay qaldeyn.
Inka badan, dhowr iyo toban Sano oo aan la nooleyn, labo dhibaato oo kala ah amni-daro iyo Khawaarij,waxaa kacaamay dhallinyaradii daweyn lahyd dhibaatooyinkaas ina curyaamiyay.
Haddii aan ku bilaabo dhanka ciidamada,dhallinyaro badan ayaa ku biiray. Kuwaas oo wacad ku maray in ay noqon doonaan furaha nabadda Soomaaliya iyo tallaabo ka qaadista kooxda Khawaarijta Al-shabaab.
Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,ee hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, dhallinyaro badan oo ajiibay ku biirista ciidanka qeybna ka noqdaan dagaalka ayaa fagaaraha dagaalka u tegay sidii ay uga guuleysan lahaayeen kooxda argagixisada Al-shabaab.
” Dhallinyaro badan oo adinka idinla mid ah oo walaalihiin ah, idinla dhashay, saaxiibo aad tihiin ayaa sii qul qulaya oo u socda meesha uu cadowgu joogo si ay dalka uga xoreeyaan cadowga, saakay ayaa ugu dambeysay magaalada dhallinyaraa ka sii baxeysay oo baabuur sii saaran oo sii socota, beri iyo beri dambe kuwo kale ayaa sii bixi doona, dalkan amni-darada dhallinyaraa keentay, amni-daradaa ka bixineynaa go’aan ah ayay gaareen dhallinyaradaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aan dhallinyarada ee ku aadan in ay kooxaha Khawaarijta dalka ka qabtaan Kuma eka kuwa ku biiray ciidamada.
” kuwa ay u tegeen ee deegaannadii jooga, ee tuulada jooga ee fursadaha magaalada ka jira aananba arag ee nolosha Miyiga ku nool oo ah dadkeennu meeshu badan yahay ayaa kacay oo yiri anaguna waa idinkula jirbaaye cadowga aan iska qabano,”. ayuu yiri madaxweynaha JFS.
Dhallinyarada ciidamada ku jira iyo kuwa gobollada ku nool haddii ay go’aansadeen in ay gacan saaraan maleeshiyada Al-shabaab, halkeese ayuu taaganahay doorka Dhallinyarada caasimadda, muxuuse aragti ah oo uu madaxweynuhu ka qabaa?.
” Dhallinyarada magaalada joogta ayaa umaleysaa wali in meelaha qaarkood go’aan ka gaarin, li’anna Khawaarijta magaaladani ku dhex nooshahay, intaan maanta haddii si dhab ah loo hadlo in badan oo idinka mid ah dad Khawaarij ah oo magaalada ku nool oo ay yaqaanaan,ogyihiina meesha ay ku nool yihiin oo aanay sheegeynin ayaa jira, ama waa cabsanayaa ama waa qabiilkiisa,qaraabadiisa waaye qabiilkiisa waa daraateed,”.
Dagaalka Khawaarijta oo ay horkacayaan dhallinyarada ayaa keennay guulihii ugu horeeyay iyadoo la dareemay, daciifnimada Khawaarijta iyo awoodda dhallinyarada u leeyihiin in dalkooda ka xoreystaan argagixisada.