Muqdisho)SONNA):-Safiirka jamuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudan Mudane Maxamed Sheekh Isaaq ayaa xaqiijiyay in ciidamada mucaaradka dalkaas ay galeen xarunta safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka sudan, ayna jajabiyeen ciidamada albaabada oo dhan.
Mudane Maxamed Sheekh Isaaq oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xiliga falka dhacayay uusan ku sugneyn safaaradda balsa sid ay u shegeen ilaalada safaradda iyo dad daris la ahaa in ciidamada gudaha u galeen xarunta safaaradda, islamarkaana ay jajabiyeen albaabadii safaaradda, balsa aysan jirin wax agab ama dukumiintiyo ah oo laga qaatay safaaradda sid dadka dariska ah ay ila wadageen,
Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in madaama xarunta safaaradda cidna aysan joogin xiliga lagalayay anan si dhab ah loo xaqiijin karin in ciidmada ay bililiqeysteen safaaradda balsa dib laga ogaan doono.
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniinta soomaaliyeed looga soo saari lahaa dalka Sudan, ilaa iyo hadana aysan jirin in qof soomaaliyeed ay waxyeello ka soo gaartay dagaalada ka socda dalka sudaan.
Qaar kamid warbaahinta caalamiga ayaa baahisay bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Suudan oo lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Soomaaliyeed iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM eeย Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed.
Bayaanka waxaa lagu xusay inay ciiddan ka tirsan kuwa gurmadka degdega ee RSF ay ka dambeeyeen Bililiqada loo geystay Xarumaha Ergada UNMISS iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.