Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060

By Bile
Last updated: May 14, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

 

4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060.

5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan).

TAGGED:Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bakistaan iyo Ciraaq oo u kala dab-qaadaya Sacuudiga & iiran

Muqdisho(SONNA)...Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa u muuqda in ay qaadayaan tallabooyin dibolomaasi oo xal loogu raadinaayo xiisadaha ka jira Bariga…

CaalamkaWararka
October 6, 2019

Dhageysiga dacwadi loo haystay xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ka socta Maxkamadda gobolka Banaadir

Muqdisho:(SONNA)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo edeeyay…

Wararka
June 13, 2020

Ciidamada oo burburiyay fariisimo ay khawaarijta ku lahayd tuulooyin hoostaga Budbud

Muqdisho (SONNA) Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga Deegaanka ayaa maanta burburiyay fariisimo Khawaarijtu kaga sugnaayeen tuulooyin hoos taga  magaalada Budbud…

GudahaWararka
April 16, 2023

Madaxweynaha Ukrine oo helay $128mn xilli uu booqday Mareykanka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay…

Caalamka
September 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023