Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa 9 muwaadiniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho.
Muwaadiintaan ayaa ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka soo galeen xuduuda Sudan, muwaadiniintaan oo ah arday wax ka baranaysay dalka Sudan oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dhaweeyay xafiiska ergayga gaarka ah madaxweyne ha u qaabilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta.
Dowaladda federal ka Soomaaliya waxaa ka go’an inaysan waxba la harin inta muwaadinka ugu dambeeya laga soo badbaadinaayo colaadda ka taagan Suudaan.