Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo safiir aan degenayn ku yeelanaysa Kyrgyzstan
    April 22, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Dekadaha
    April 22, 2026
    Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka
    April 22, 2026
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).
Maqaallada

Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 14, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,( SONNA):- Bilowgii so ifa-bixida Khawaarijta Al-shabaab, waxay soo saareen go’aanno ah ciddii salaanta ciidanka in la dili doono, go’aankaas ayaa ahaa mid lagu kala fogeynayo isla shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas oo dhabar jab ku noqoneysa argagixisada haddii ay is fahmaan ciidamada iyo shacabka.

Go’aankaas guracan waxay ku dileen dhalinyaro badan oo u hoggaansami waayay amarka Khawaarijta, balse ku dhowaad dhowr iyo toban Sano ka dib, shacabka ayaa ku dhiiraday in ay ka tallaabaan amaradii Al-shabaab ay ku cabsi gelin jirtay.

Waxaana qof kasta uu ogaaday shaxda uu Al-shabaab u isticmaalo shacabka, sidoo kale, waxay u bixiyeen magacyo qalafsan oo ay ku bahdilayaan sumcadda iyo sharafta ciidamada, magacyadaas foosha xun ee Khawaarijta Ku marin habaabin jirtay shacabka waxaa ka mid ahaa calool-uus, Maryo-callas, Gaalo Kalkaal, Mujrim, kaafir iyo kuwo kale oo ka sii xun.

Balse, sanadihii ugu dambeeyay waxay indhuhu ay qabanayeen marka aad booqato baraha Bulshada dhalinyaro ku lebisan dareeska ciidamada. Kuwo kale, oo ku faanaya in ay xirtaan mar un dareeska ciidamada, ficiladaas dhallinyarada ka timid ayaa bilow wanaagsan u noqday isdhexgalka Bulshada iyo ciidanka oo difaac ku kala jiray.

” waxaan u taagan nahay waxay tahay inaan ka dulqaadno dadkan masaakiinta ah ee shacabka Soomaaliyeed aan u dhaaranay inaan mar walba cadowga ka ilaalino, balankeenuna uu ahaa caqabad nama joojin karto, sidaa darteed, waxaan u baahan nahay nimankan Khawaarijta ficilkooda guracan iyo dhaqankooda foosha xun iyo baadda iyo dhaca dadka ku hayaan inaan ka dulqaadno,”.

Xilligan oo ay wariyaasheennu ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, ku dhowaad labadii bilood ee la soo dhaafay, bil ka mid ah waxay howdka ku wada qaateen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

” Khawaarijtu waa dad naxariis lahayn, dadka waa gumaadaan, anagana meeshan waxaan ugu talagalnay inaan shacabka ka xoreyno, waxaan u soo dhaqaaqnay inaan Diinteenna, Dalkeenna iyo Dadkeennu cadowga ka difaacno,’ ayuu yiri askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka.

15-maalin oo ka mid ah bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxa ay lugeynayeen maalintii ku dhowaad 7 ilaa 8-km, iyaga oo sooman, salaadana aan ka tegin, cadceedu oo aad u kulul, gaajana u sii dheer tahay.

Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab ayaa ugu sheekaya shacabka aan arkin harka Dowladnimada 15kii Sano ee la soo dhaafay in ciidanka Dowladda ay Gaalo yihiin.

” Kuwa Gaalo waa dhahaayo kawaran ma soomaan ma salaadaan, kuwaas Ilaahbaa haleeyay, waa dadkii Nabiga ( CSW), sheegay weeyaan, ninkii dila iyo ninkii ay dilaanba labadaba jannada lagu gelayaa,” ayuu yiri, mid ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Deegaanno badan ayay ka qixiyeen dadkii degganaa, gabdho yar yar iyo hooyooyin u soo aroor tegay ceelasha biyaha deegaannadaas ayay maalin walba caawiyaan ciidanka, balse falcelinta ka imaanayay shacabka ayaa ahayd ” Alle nagama qaado wiilasheenna,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo safiir aan degenayn ku yeelanaysa Kyrgyzstan

Bishkek (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Fatxudiin Cali ahna Safiirka…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)

Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha 3-aad ee Dilemmas of Humanity ee ka socday Johannesburg ayaa daba socda weerarrada arxan-darrada ah ee…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
November 6, 2023

NISA oo mar walba la socota xeelad kasta oo ay Khawaarijtu isticmaasho (WARBIXIN)

Waxaa jira digniino ku aadan xalista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan…

GudahaMaqaallada
December 18, 2024

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA W.Q. Qareen Mohamed Hassan Nur

Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah…

Maqaallada
December 19, 2023

Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
August 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023