Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay faah-faahinta malesshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo muddo sanado ah u xirnaa kooxda Khawaarijta arxanka-daran ee Al-shabaab oo inta ay Xabsiyada kala baxeen meelo kala duwan ku khaarijiyeen.

Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka dhigan tiradii ugu badneyd  ee ka tirsanaa Daacish oo Al-shabaab muddo Shan ah xabsiyo kala duwan ugu xirnaa ayay Khawaarijtu Al-shabaab khaarijiyeen labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyagoo tallaabadaas uga dan leh in ay ugu aargudaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaaab oo lagu baabi’iyay  dagaallo iyo qaraxyo ay Daacish ka geysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Daacish, ee Al-shabaab ay khaarijiyeen waxaa lagala soo baxay xabsiyo ay dadka ku ciqaabaan Khawaarijta oo ku kala yaala  Sakow, Jilib iyo Kuunya-barow oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose, iyadoo si bareer ah loogu laayay duleedyada saddexdaas degmo.

Wararka ay warbaahinta Qaranka ka heshay gudaha Khawaarijta Al-shabaab waxay xaqiijiyeen ka hor tallaabadan khaarijinta ah inta aysan qaadin waxay horjoogayaasha Khawaarijtu isugu yeereen xaasaska  ay qabeen maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Daacish ee ay dileen, iyagoo u sheegay in nimankooda Diin ahaan ku xirmin oo laga fasaqayo, waanna ficil ay kooxdu caan ku tahay.

Goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab ugu yeerteen xaasaska maleeshiyaadka Daacish ee ay ugu dambeynna dileen waxaa ka I’d ah deegaanka Buulo-fullaay ee gobolka Baay.

Amarka lagu khaarijiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish ee in muddo ah maxaabiis ahaan ugu jiray gacanta Al-shabaab, waxaa bixiyay horjoogaha dhagarta badan ee Khawaarijta Al-shabaab awoodda ku dhex leh ee Mahad Karataay,iyadoo fulinta howshaasina ay qabteen labo horjooge oo aad ugu dhow, kuwaas oo kala ah Liibaan Cali Cabdi oo magaciisu afgarashada uu yahay ” Saacid”, iyo Sahal Baabul Qowf oo labadaba ka soo wada jeeda deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ah oo ku sugan goobaha ay maleeshiyada Khawaarijta ku laayeen boqolaalka maleeshiyo ee ka tirsan kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed in ay arkeen Al-shabaab oo duleedka degmooyinka Jilib,Kuunya-barow iyo Sakow xabaalo-wadareedyo ku aasaya meydadka maleeshiyaadka Daacish ee sida tira-beelka ah ay u laayeen.

Khilaafka iyo is-ugaarsiga ka dhex jira kooxaha Khawaarijta  iyo argagixisada wada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo soo jiidamayay sanado badan ayaa sii xoogeystay shantii Sano ee la soo dhaafay, wallow la wada ogyahay wax xaq ah oo mideynayay ama ku heshiiyeen aanu jirin, marka laga reebo in ay banneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Xiisaddu waxay faraha ka baxday oo ka sii  dartay labadii bilood ee ugu dambeysay markaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish weeraro isugu jira dagaal toos ah  iyo is qarxin ah ay ku qaadeen xarumo Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay Daacish ku laayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya Markab Shidaal iyo Gaas ka baara Xeebaha Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in Turkiga…

GudahaMaqaallada
July 27, 2024

Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)

Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi,…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 30, 2024

Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada heysa haatan iyo Madaxdii hore,…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
July 15, 2023

 In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka mara ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka…

GudahaMaqaallada
November 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023