Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay
GudahaSawirroWararka

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 8, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xilka ugala wareegay xisaabiyaha guud ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas xisaabiyiihii guud ee hore marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay wasiiro, mas’uuliyiin kala ka socda hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Cabdirasaaq Maxamed Abuukar ku xigeenka xisaabiyaha guud oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta ayaa u mahad celiyey xisaabihii hore shaqadii ay ka qabatay xafiiska, isaga soo dhoweeyey xisaabiyaha guud ee cusub.

Dr Raaxo Jinaqoow wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka wasaarassa qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyey xisaabiyaha cusub, iyaga bogaadiyey xisaabiyihii hore shaqadii ay u qabatay Qaranka muddadii ay xilka haysay.

Marwo Faadumo Cusmaan Faarax xisaabiyiihii guud ee hore oo xilka ku wareejisay xisaabiyaha cusub ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa sheegtay in wax badan u qabsoomeen xafiiska sida hagaajinta habka xisaabaadka dowladda, horumarinta xiriirka hay’adaha iyo dib habaynta maaliyadda loona baahan yahay in xisaabiyaha cusub uu sii hormariyo, waxna ku kordhiyo.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas Xisaabiyaha guud ee cusub ee dowladda ayaa sheegay in uu xoogga saari doono xoojinta hufnaanta, xaqiijinta dib u habaynta maaliyadfa iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka u kala wareejiyay xisaabiyiihii guud ee hore iyo kan cusub ayaa sheegay in xafiiskan muhiim u yahay dib u habeynta Maaliyadda, shaqo wanaagsan laga qabtay intii ay joogtay Marwo Faadumo Cusmaan, isaga kula dardaarmay xisaabiyaha guud Cabdiraxmaan Anab kor u qaadista hufnaanta shaqada.

Xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda oo udub dhexaad u hay’adaha maaliyadda, waxaa ay golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas 27-kii bishii la soo dhaafay ee April, waxaana uu beddelay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilkani haysay tan bishii October 2017-kii oo maantana si rasmi ah ugu wareejisay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga…

GudahaWararka
January 19, 2023

Shacabka Moqokori oo soo dhaweeyay Ololaha Waxbarasho ee Bar ama Baro

Moqokori (SONNA):- Shacabka magaalada Moqokori ayaa soo dhaweeyay Ololaha Waxbarasho ee โ€œBar ama Baroโ€™ oo Dawladda Soomaaliya ay si bilaash…

GudahaWararka
December 12, 2023

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 12-aad…

Gudaha
January 30, 2026

Madaxweynaha JFS oo shir seddex geesood ah la qaatay madaxda dalalka Ereteriya iyo Masar

Asmara, Oktoobar 10, 2024; Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Mudane Asias…

GudahaSiyaasaddaWararka
October 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023