Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee aqalka Sare Mudane Cali Shacban Ibrahim ayaa Dunida Islaamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga oo Ku Beegan Maalinta Berita ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd aawadeed,loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas ka shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.
โIlaahay ha inaga aqbalo Soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, ayuu yiri.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Dhalinyarada xaq u dirirka ee Macwiisleyda kuwaaa oo Guullo waaweyn ka soo hooyay Howlagada ka socda gudaha dalka ee wiiqay awooda Kooxda khawaarijta ee Al Shabaab taasi oo muujineysa Geesinamada Ciidamadeena iyo dadka Deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in shacabku ay ย ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaanshiyaha,wuxuuna dhinaca kale Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.