Warbixinta Toddobaadlaha
Muqdisho, Arbaco, 19 April, 2023
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley shir madaxeed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD, oo looga hadlayey colaadda Sudan ayaa ugu baaqey dhinacyada halkaasi isku haya inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, colaaddana ay joojiyaan.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgaley shir madaxeed saddex geesood oo ay igu yimaadeen Soomaaliya, Ethiopia iyo Talyaaniga, kulamana la yeeshay madaxda ka qeybgashey shirkaasi.
3- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.
4- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta, intaasna ku darey in sanadkan uu noqon doono kii dalka looga suulin lahaa Khawaarijta Al Shabaab.
5- Wasaaradda Arrimha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sameysay nidaam lagula soconayo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan.
6- Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia tababar 4 bilood socday ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya.
7- Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale kaas oo loogu talagaleyย dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.
8- Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay degaanno hoos yimaada Budbud iyo Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
9- Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al Shabab ka xoreeyay degaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.
10- Ciidanka Kumandoska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyoย ay ku lahaayeen degaannada Geryaale, iyo Ceel-juqoow oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
11- Ciidanka Xoogga Dalka iyo oo garabsanaya shacabka degaanka ayaa burburiyay fariisimo ay ku dhuumaleysanayeen Khawaarijta Al-Shabab oo ku yaalla degaannada Buulo Burde ilaa ilaa Halgan ee jiinka wabiga ee gobolka Hiiraan.
12- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku laayay koox Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.
13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta kala wareegay Degaanno dhowr ah oo kala ah Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhaboย ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.
14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal gaar ah ka fuliyay degaannada Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasina waxay ku dileen horjooge Cartan Iley, iyo dhaawac loo geystey horjooge Daahir Calasow oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.
15- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Washington uga qeyb galay shirka sannadlaha ah eeย Wasiirrada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.
16- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad la horgeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah oo si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayay xeebaha dalka.