Muqdisho (SONNA) Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.
Ruuxaan ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay Cadad teleefoono ilaa 3 mobail ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.
Taliska Boliiska ayaa war uu soo saaray ku yiri” Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.