Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka
    July 24, 2025
    Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxeexday
    July 24, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan
    July 24, 2025
    Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda
    July 24, 2025
    Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha
    July 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 8, 2023
11 Min Read
Share

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa socda Dagaalka Wajigiisa 2-aad, kaasi oo ku wajahan dhameystirka goobo yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolka Galguduud iyo Mudug, iyadoo horey looga sifeeyay Dhammaanba Maamulka Hirshabeelle, islamarkaana u bilaabatay gaarsiinta adeegyadii lagamamaarmaanka u ah nolosha Dadweynaha ku dhaqan Deegaannaddii la xoreeyay, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan la gaarsiiyay Kaalmo gargaar cunto, Dawo, lana howgaliyay Isbitaalkii Degmadaasi iyo in loo xiray Nalalka Soolarka hadda Magaaladaaasi habeenkii waxaa ka baxaya Iftiin Leyrar ah, taasi oo aysan hore u arag.

Waxaa kaloo jira howl-gal lagu xaqiijinayo amniga deegaannadii horay looga saaray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka, waxaana dhowaan la qorsheynayaa in uu bilowdo wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi, waxaana meelaha ugu horreeya ee la filayo in uu ka dhaco ka mid ah galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo uu Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in ay ku jireen diyaar garowgii ugu dembeeyay ee dagaalka.

Haddaan ka hadalno Dagaaladdii ugu dambeeyay ee lala galo Kooxda Khawaarijta ah ayaa waxaa ka mid ah Degmada Galcad iyo Deegaannada ku dhow dhow waxayna Ciidanka xoogga dalka ay shalay Khawaarijta ka xoreeyeen Magaalada Galcad eeย  gobalka Galgaduud, waxayna Ciidamada dhowr jiho ka galay magaalada, waxaana lagu sameeyay baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga, waxaana Ciidanku qarxiyeen Miino ay ku dhex qariyeen Guri ku yaalla Magaalada, wax khasaare ahna kama soo gaaroin cidna, sida Wariyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo ciidanka la soda ay soo sheeayaan in Khawaarijtu iskaga carartay Galcad oo muddooyinkii u dambeeyay ay isku aruursanayeen, waana magaalo muhiimad u leh isku socodka Deeganada ka tirsan Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Galguduud, iyadoo masuuliyiintii ka hadlay arrintaasi waxaa lka mid ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage wuxuuna Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay uga harsan yihiin dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka degmada Galcad, waxaana ay ka wada hadleen sidoo looga wada shaqeyn lahaa adkeynta Ammaanka & Ciribtirka Argagixisada waxaana loo caddeeyay in Dowladdu aysan marna ka bixi dooninin Deegaanada la xoreeyo, ayna ku kalsoonaadaan Dowladdooda, si loo soo gaarsiiyo Adeegyada ay Dadweynuhu u baahan yihiin, waxaa kaloo ka hadlay arrimahaasi Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid wuxuuna soo dhaweeyay guulaha Ciidamada Xoogga dalku ka gareen howlgalka wajiga labaad ee ka socda qeybo ka mid ah Galmudug.

“Gudaha Galcad iyo hareeraheeda ayay Mujaahidiinta Xoogga Dalku ka wadaan hawlgal weyn oo lagu raad-goobayo Khawaarijta, dhul ka badan 100KM oo ka tirsan bariga Galguduud iyo xadka Shabeelaha dhexe ayaa laga soo nadiifiyay”- sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiramaan Yuusuf Cadaala.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo khawaarijta looga sifaynayo ka sameeyay deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud, taasina waxay daba socotaa hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka Khawaarijta looga xoreynayo Gobolada Dalka waxana howlgalkaas uu ku socda si xowli ah, iyaado ilaa iyo hadda la xoreeyay Deegano badan oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, Wasiira Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay Dagaalka Wajiga 2-aad ayaa isna sidan yiri:- ” Hawlgalkan waxa uu kuwii hore uga duwan yahay waxa uu ku bilowday, kuna dhammaanayaa qorshe dhammaystiran”

Farriimo badan ayaa loo diray Dhallinyarada lagu dhameynayo Dagaalada ay u isticmaalaan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana tii ugu dambeysay u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda, iuasgoo xusay in dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

โ€œ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaadย  ka aadi kartid malahan,โ€ ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiriโ€Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,ย  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,โ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa hadaladaasi ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay goโ€™aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay masโ€™uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta, waxaa kaloo jira in Ciidamo laga keenay Dalka Yugaandha uu shalay galab kula hadlay Xerada Hiilweyne oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana noo sharaxaya Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxa ay Ciidamaasi yihii iyo waxa ay qaban doonaan โ€œCiidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaarayaan Furimaha dagaalka waxaa u dheer, in ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Muqdisho laga bilaabo maanta. Ciidamadaan oo qeyb ka ah CXDSย  gaar ahaan kuwooda u tababaran Sida Booliiska ee loo yaqaano โ€œMilitairy policeโ€ ayaa waxay la shaqeyn doonaan Booliiska Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda..

Dhinaca kale waxaa jira marka ay kooxdu dareento ama la saaro awood Ciidan iyo mud dhaqaale waxaa soo if baxa in ay dhexdooda iska shakiyaan, faraha isku tag taagaan, kadibna uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maro, waxaana tusaale nooga filan Warar aan ka helnay Dadka Deegaanka Cows weyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa tibaaxaya in Kooxda Al shabaab ay Deegaanka Bido Ciise iskaga dilay 10 dagaalame halka Cosweyne oo habeen hore lagu xiray Odayaal ka tirsanaa Kooxda Khaaarijta ee Al-shabaab ah, kana soo jeeda Deegaanka Ceeldheer, islamarkaana ย caan ka ahaa, waxaa kaloo jira in dhawaan ay isku fara saareen Degmada Jilib Hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah, waxayna iska dileen Maleeshiyaad badan, haddaba maxaa xiligaan Keenay Khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda?

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Horgalada Muhaajiriinta Kooxda Shababka iyo Horjooge ka tirsan Kooxdaan, kadib markii la weeraray Guri uu ku sugnaa Horgalka ugu sareeya Ajaaniibta, kaasoo ku yaal magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada, Ilo Wareedkaan ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Horjooge Mahad Qaley (Karatee), ayaa weeraray guri uu ku sugnaa Horgale Jaabiir oo ku yaala Suuqa Kaluunka ee Degmada Jilib, Horgalkaan ayaa ka soo jeeda Dalka Kenya, iyadoo is-rasaaseyntaani ay ku dhinteen 5-ka mid ah Maleeshiyaadka Shababka waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 8-kale oo uu ku jiro Horgale Jaabiir, arrintani ayaa waxaa sharaxaya Falanqeeye Degan Dalka Finland oo lagu magacaabo Ciise Xasan.

Falanqeeye Ciise Xasan waxa uu yiri โ€œXiisadaan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay kadib markii Unug ka tirsan kuwa Ajaaniibta ay ka soo qafaaleen degaanka Kamsuuma Horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ku beel ah Mahad Qaley isla markaasna madax ka ahaa Isbaarada Buundada waxaana la sheegay inuu socdo dadaalo xiisadaan lagu qaboojinaayo. Khilaafkasn ayaa ku soo beegmay xilli inta degaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyay inta dhimana lagu wado dhawaan in la bilaabo doono xoreynta wajiga 2-aad ee degaanada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalkaโ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka…

GudahaWararka
August 14, 2023

Bulshada Xuddur oo maanta u dareeray dukashada salaad roob-doon ah..

Boqolaal shacabka ah oo ku dhaqan magaalada xuddur ayaa maanta isugu soo baxay dukashada salaadda Roob-doonka oo Alle looga baryaayey…

Gudaha
April 16, 2021

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday…

GudahaWararka
June 10, 2025

Wasiirka warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Heyโ€™adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Heyโ€™adda Horumarinta…

GudahaWararka
January 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023