Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Baoliiska saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay seddex rag ah oo ku eedeeysan burcadnimo.
Labo kamid ah eedeysaneyaasha ayaa ku kala hubeysnaa toorriyo iyo bistoolado caag ah, halka midka kalana uu wade ka ahaa mootada ay adeegsanayeen.
Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in raggan sharciga la hor geyn doono, lana marin doono wixii ay ka helaan sharciga hortiisa.
Ciidamada Boliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho kaga timid qaar kamid ah Shacabka magaalada muqdisho ayaa ku guleeystay inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah burcaddii dhibaateyn jirtay bulshada.