Muqdisho (SONNA): Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin la bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.
“Wadasa KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.” ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska.
Qarax ayaa sababay dab gaariga qabsaday, isla markaana sababay dhaawacyo u badan gubasho gaartay ilaa 3-qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa, waxaana gurmad u fididiyey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Booliska ayaa baaritaan ku haya sababta qaraxa dhalisay, sida lagu sheegay bayaanka.
hadda waxaa socota baaris la xariira sababta dhalisay, sida uu sheegay taliska Booliska Soomaaliyeed.