Nairobi (SONNA): Guddoomiyaha maxkamadda sare ee JFS mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qeyb-galay meertada 3-aad ee garsoorka iyo cagaarinta Afrika oo ka qabsoomay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Shirka oo socon doona muddoย 3-cisho ah, ayaa waxa daah-furay madaxweynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto, waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaasha maxkamadaha sare iyo guud ahaan garsoorka wadamada qaaradda Afrika.
Shirka ayaa lagu falanqeynayaa xoojinta doorka garsoorka ee xaaladaha isbeddelka Cimilada, ku dhaqanka shuruucda deegaanka iyo weliba siddii meel looga soo wada jeesan lahaa ka qeyb-qaadashada ilaalinta dhirta iyo deegaanka, si loo joojiyo nooc kasta oo wasqow ah, sidoo kalena la xoojiyo cagaarinta guud ahaan qaaradda Afrika.
Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka hadashay ayaa aad ugu dheeraaday saamaynta isbeddelka cimilada ee Afrika oo sababay xaaladaha abaaraha ee daba dheeraaday, roob yaraanta, dikhawga hawada iyo dhibbaatooyin kale.
Waxa kale oo halkaas lagaga hadlay kor u qaadista dhinaca waxbarashada iyo wacyiga la xiriira shuruucda ilaalinta deegaanka iyo weliba hal abuurista siyaasado iyo istaraatijiyado uu garsoorku kaga qeyb qaadanayo cagaarinta Afrika.