Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa Afur wadareed la qaatay Odayaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.
Ujeedka Afur Wadareedka ayaa ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Amniga iyo Bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha Amni iyo Arrimo Bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid Bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka jawaabaya cabashooyinka Bulshada, isla markaana tixgelinaya Talooyinka ay soo jeediyeen Odiyaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo isna goobta ka hadlay ayaa odayaasha iyo culimada degmada kaaraan ugu baaqay in ay la shaqeyaan laamaha amniga si loo sugu amniga shacbka,taliyaha waxa uu sidoo kale soo hadla qaaday dhacdooyin inta badan ka dhaca laamaha amniga oo ah in howlgallada xiliyada lagu jiro shacabka lagu soo qabto la isugu keenno goob barxad ah warbaahintana ay duubto iyaga oo an wax dambi ah lagu heynin taana ay tahay dami, iyo xad gudub lagula kacay dhalinyaro badan oo aan wax dambi ah galin.
Waxaa uu Taliyha intaa ku daray in saraakiisha amniga uu kala hadlay ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka Soomaaliyeed oo aan muqaallo lagu duubi karin iyadoo wax dami ah lagu cadeynin