Muqdisho (SONNA) Mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay aqoon isweydaarsi ku saabsan sharciga shaqaalaha Aduunka,oo ay soo qaban qaabisay Hayโadda shaqaalaha Aduunka {ILO}
Guddoomiyaha guddiga Adeega bulshada Aqalka sare Senator Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Guddoomiyaha gudiga horumarinta Adeega Bulshada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilley) ayaa hogaaminayay xubnaha labada guddi ee aqoon isweydaarsiga ka qeyb galay.