Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub
GudahaWararka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 21, 2023
2 Min Read
Share

Brussels-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani’aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed oo shir ku soo xiray Nairobi

Muqdisho(SONNA)--Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa ku soo xiray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kulan muddo laba…

Wararka
February 13, 2020

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire  ayaa Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Caddaalada JFS

QAAHIRA-(SONNA)-Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira…

GudahaWararka
December 6, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac…

Wararka
June 3, 2020

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Guddoomiye Cumar Filish oo yeeshay kulan gaar ah

Muqdisho.(SONNA)...Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka…

Wararka
July 29, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023