Muqdisho.(SONNA):- Bankiga dhexe Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah oo ay bixiso Central Bankiga oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, waana abaalmarin ay sanad walba ay bixiso.
Bankiga ayaa abaalmarintaan ku muteystay horumarka Bankiga uu ka sameeyay dib u habeynta kaabayashaa maaliyadda ee Dalka oo dhan iyo hirgelinta hannaanka lacag-bixinta Qaranka.
Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudane C/raxmaan M. Cabdullaahi ayaa ka hadlay waxa uu Bankiga ku muteystay Abaalmarinta.
โ Abaalmarintan wuxuu ku muteystay Bankiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-dhiska iyo hirgelinta hannaanka lacah bixinta iyo kaabayaasha Maaliyadda ee uu wadanka ka hirgeliyay Bangigu ee labadii sano ee u dambeysay, haddan wax yar oo kooban idinka sheego abaalmarintan waxay inooga dhigan tahay in Soomaaliya loo arko in ay tahay wadan leh hanaan maaliyadeed oo caalamku qirsan yahay ama aqoonsan yahay,โ .