Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
GudahaMaqaallada

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 12, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin seddex Hindse-Sharciyeed oo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horay Goleyaashii u soo maray waddanka aaney wax badan ka fulin, waxaa xeerarkaan ka mid ah:- Hindise-Sharciyeedka La dagaallanka Argagaxisada oo ahaa mid muhiimad weyn ku fadhiya, marka la eeggo xaaladda uu dalku ku jiray 15-kii sano ee ugu dambeeyay, walow loo baahan yahay in xeerkaan laamaha Amnigu u isticmaalaan si sax ah oo aan baal marsaneyn qaanuunka, laguna dhibaateyn muwaadiniinta aan waxba galabsan,Dadka aad wax u taxliiliya gaar haanna Amniga ayaa horay su’aal u gelin jiray sababta goleyaashii Sharci-dejintu aan xeerkaan loo horkeenin.

Haddaan soo qaadanno Hindise-Sharciyeedka NISA:- hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda dalka ayaa 53 sano kadib yeelatay xeer uu Baarlamanka dalku meelmariyay, waxaa kale oo jira Hindise-Sharciyeedka cuna-qabateynta cayiman ee maaliyadda oo isagana ah sharci kale oo muhiim ah,Marka Dhammaan xeerarkaan waxay la jaan-qaadayaan marxaladda Amni ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku soo aadeen xilli loo baahnaa in sharci loo helo tallaabo kasta oo dhanka nabad-gelyada loo qaadayo, si aan loogu xad-gudbin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Prof. Xasan Shiikh oo ka mid Macalimiinta wax ka dhiga Kulliyadaaha Dalka qaarkood, islamarkaana ah falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo jooga magaalada Mudisho ayaa yiri “Dowladnimadu waa qaanuun, marka sharciyadaan uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa lagu dabaqayaa sidii aan Dowladaha hore u maray looga daba tagi laha, si aan ula shaqeynno”.

Hindise Sharciyeedyadaasi waxaa kaloo ay wax ka weydiisay Wakaaladda Wararka ee SONNA qeybteeda warbixinada sida uu waxtar ugu yahay dalka iyo dadka Falanqeeye Ciise Xasan oo deggan magaalada Helisinki ee dalka Finland isagoo bogaadiyey sharciyada uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyay muddo kooban.

Dhinaca kale Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ay farayaan in ay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’addaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cuna qabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaabo kasto oo ay qaadeyso haddey hormar tahay, Amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’addaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaasi oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay, wuxuuna xusay in dowladdu ay gacan bir ah kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Haddaba maadamaa ay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ay shaqo wanaagsan ay qasbteen shaqo wanaagsan Xilligan, muujiyeenna kartida iyo waajibaadka loogu doortay inay ka gutaan gudaha Baalamaanka sida uu qeeayo waajibaadooda dastuuriga ah ayaa waxaan dhihi karnaa waa markii ugu horreeysay oo la ansixiyo sharciyo intaa le’eg, muhiimna u ah Dalka ina ay meel mariyaan, marka waxaan dhihi karnaa waxay qabteen howl ama shaqo wax ku ool ah, maadama ay ansixiyeen dhowr mashruuc hindise sharciyeed oo aysan waligood qaban Barlamaannadii iyaga ka horreeyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa” (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka…

Maqaallada
July 3, 2023

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la hor geeyey dacwada Saraakiil Dowladdeed oo loo haysto Musuq maasuq

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq. Eedaysanayaasha ayaa…

GudahaWararka
November 16, 2023

Ciidanka XDS oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Xuddur-(SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa lagu dilay horjooge…

GudahaWararka
May 7, 2024

Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta kusii jeeda dalka Masar

Muqdisho (SONNA)- Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya Dalka Masar. Ra'iisal Wasaare…

Gudaha
August 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023