Garoowe-(SONNA)-Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Marka laga tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay ayaa lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.
Bishii June ee 2021-kii ayay ahayd markii ay maxkamadda Ciidamada Puntland ay sidan oo kale dil ku ridday 17 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-shabaab, iyadoo dilka maantana uu noqonayo kii ugu badnaa ee lagu rido kooxaha Khawaarijta.