Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Doha ee dalka Qatar kulan la yeeshay wasiirka horrumarinta iyo arrimaha Afrika dalka UK, mudane Andrew Mitchell.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha deyn cafinta, is-badalka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo UK.
Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, isla markaasna ka qeyb qaadata arrimaha dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ka dhaceysa magaalada Doha ee dalka Qadar.