Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
GudahaWararka

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

By SB
Last updated: April 29, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):’Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah. Roobabkaan ayaa ka da’ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka shanaad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wanaagsan, mana jiraan khasaarooyin baaxad leh oo la soo sheegay illaa hadda, Marka loo eego roobabkii ka da’ay dhowaan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo xataa waddamada khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la socodaka daadad suurtagal ah in ay dhaliyaan barakac, gaar ahaan deegaannada dhaca xeebaha iyo Webiyada.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee DFS ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba, waxayna si gaar ah ay Heyaddu ugu diraysaa Dadka Barakacayaasha ah eek u nool Degmooyinkaasi, inay ka feejignaadaan waxyeelada Roobabkaan, “maadama ay yihiin Dadka ugu nugul uguna saameynta badan biyo-baxooyinka iyo fatahaadaha Dalka ka dhaca” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay He’yaddaasi oo soo xiganeysa warbxuin ay soo saartay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan ilaa dhamaadka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April, iyadoo Warbixinta lagu sheegay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle, “waxa kale oo suurta-gal ah” ayaa la lagu yiri warbixintan “in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya”.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhammaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa la qabatay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa, ugu danbeynna waxaa la isla gartay in lahelo xog hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika. Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado. Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan. Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali,…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Nigeria oo xaqiijisay sii deynta 100-ruux oo la heystay 42 cisho

Cidamada  Boliiska ee fadhigoodu yahay gobolka Samfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria ayaa sheegay in wadahadallo waanwaan ah lagu sii daayey…

Caalamka
July 21, 2021

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria 

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada…

GudahaWararka
June 23, 2025

RW Xamse oo dalka dib ugu so laabtay kaddib markii uu soo dhamaystay gudashada waajibaadka Xajka

MUQDOSHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu…

GudahaWararka
July 1, 2023

Iskaashaatada Beeraleyda Baladweyne oo soo bandhigtay nuucyada dalagyada ee ka baxa degmadaasi

Madax ka tirsan maamulka Hirsgabeelle kan degmada Baladeryn iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad idowga iskashatada Beeraleyda Degmada…

Gudaha
June 25, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023