Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda oo 7 bilood gudahood khawaarjta kala wareegtay 92 deegaan (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda oo 7 bilood gudahood khawaarjta kala wareegtay 92 deegaan (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda oo 7 bilood gudahood khawaarjta kala wareegtay 92 deegaan (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 5, 2023
9 Min Read
Share

Tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh markii labaad bishii May wuxuu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah Al-shabaab, wuxuuna aaminsan yahay inuu ugu dambeyntii soo afjari karo amni-darrada u muuqata mid daba-dheeraatay ee Soomaaliya, ragaadisay sannado badan oo Muqdisho inteeda badan ka dhigtay darbi qarax iyo isbaarooyin, taasi oo ay ka badn wayday, maadaama ay soo noq noqon jireen wayeelada ay Dadka Rayadka la beegsanayeen.

istiraatijiyaddan “dagaal guud” waxa ay kobcinaysay kacdoonno isdaba joog ah oo miyiga looga soo horjeeday al-Shabaab oo ay wadaan qabaa’il Soomaaliyeed oo qaati ka taagan xukunka dulmiga ah ee Maleshiyaadka Khawaarijta ah Al-shabaab, kuwaasi oo xagaagii la soo dhaafay ka bilowday deegaanka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, markaasoo xubno ka tirsan Deegaanka ay hubka u qaadeen Al-Shabaab, kuwaas oo canshuur baad ah ka qaadi jiray bulshooyinka la daalaa dhacaya abaartii ugu darneyd ee abid soo marta, Kacdoonnada Xididdada hoose ee la midka ah ayaa tan iyo markaas ku fiday meelo kale.

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo dareentay fursad, waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay taageerto dhaqdhaqaaqyada, iyadoo ku taageertay maleeshiyo beeleedka la magac baxay Macawisley oo wata saanad, gaadiid iyo taakuleyn caafimaad, iyadoo ku tiirsanayd sirdoon. Dhanka kale, Mareykanka ayaa ku kaalmeeyay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Ilaa hadda, habka “dagaalka guud” ayaa u muuqda inuu shaqeynayo. Dhowr Degmo,magaalo iyo Deegaanno waaweyn iyo waddooyin ayaa dib ugu soo laabtay gacanta dowladda, iyadoo  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in muddo labo todobaad gudahood ah ay ku dhawaaqi doonto in Khawaarijta ay ka saarayaan gobollada dhexe ee Hirshabeelle iyo Galmudug. Intaa ka dib waxaa diirada lagu saari doonaa sidii al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin koofurta.”Waan ku daba jirnaa iyaga, waana dabar jiraynaa,” Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa yiri,

16-kii Janaayo, Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul weyn, taasi oo ah in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogagga deegaanka waxay xoreeyeen Xarardheere, oo ahayd xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen Xeebta Badweynta Hindiya oo ay kooxda Argagixisadu haysteen muddo toban sano ah., iyadoo Xarardheere ay horay u ahayd saldhig ay ku sugnaayeen burcad-badeedda Afduubka iyo Madax-furashada uga geysan jiray Maraakiibta ku sugan badweynta, waxayna ahayd il dhaqaale oo aad u badan oo Al-shabaab ka soo geli jirtay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay ka heli jireen dakhli canshuuro ah, waxaa maalin kadib Khawaarijta lagala wareegay Degmada Ceeldheer, waxaana gobolka Galguduud ka harsan Ceelbuur oo kaliya, iyadoo horay gacanta Dowladda u soo galeen Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday weeraro Militari oo ka dhan ah khawaarijta tan iyo bishii Luulyo 2022-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, weerarkaas ayaa ballaartay oo lagu daray weeraro xudunta u ah ilaha dhaqaalaha badan ee Kooxdaasi, waxayna Dowladdu Xirtay tiro Akoonno ah iyo Taleefanno, si loo wiiqo dhaqaale ahaan, maadaama dhinicii Millitariga laga itaal roonaaday.

Waddooyinka hadimada badan ee kooxahan khawaariijtu adeegsan jireen lagana so af jaray ayaa waxa ka mid ahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka, dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ku qaaday ilihii dhaqaalaha ee kooxaha khawaariijta sidoo kale Culima’udiinka Soomaalyeed iyo bulshadda waxgaradka ah ayaa dagaal culus ku qaaday fikirka khaldan ee kooxda khawaariijtu fidin jirtay, taas oo ay ku dhagri jireen dhallinyaradda Soomaaliyeed kagana lumin jireen dariiqa saxan si ay ugu adeegsadaan dannahooda gurracan ee dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cusman waa Aabaha kacdoonka Bulshada ee lagula dagaalamayay Khawaarijta, Gobolka Hiiraan waa meeshii uu ka curtay kacdoonkaasi laguna xaqiijiyay in la iska dulqaadi karo kooxda muddo dhiigooda jiqeysay  waxayna ku guuleysteen inay inay iska dulqaadaan kooxda, kana xoreeyeen magaaladooyin, Degmooyin iyo Deegaanno badan oo markii hore ay gacanta ku hayeen Kooxdaasi muddo ku dhow 15 sano.

Xorreyntaasi kadib waxaa suurtagashey in Dadku ay noloshooda dib u dhistaan  sida waxbeerasho, Waxbarashada, caafimaad iyo inay si xor ah ugu kala gudbaan Deegaanadii markii hore kala xirnaa, taasina waxaa suurtagaliyay dagaalkii wadajirka ahaa ee lagu qaaday maleeshiyaadkii kala go,doomiyay Dadkaasi, sidaasi awgeed  ayuu Guddoomiyah Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la oran karo waa Ababaha Kacdoonka oo ka hadlayay sidii uu u bilowday halgankaasi ka dhanka ah Argagixisada ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin “Hoggaan oo kaliya ” wuxuuna sii raaciyay “Ummad baa guuleysta ee qof ma guuleysto”.

Guddoomiyah oo khibrad wayn u leh dagaalka Khawaarijta ayaa sharxaya waxa ay tahay Guusha, ayaa yiri: “Ciidanka guusha waa la baraa ” , ” waa tii aan meel walba kaga adkaanay Argagaxisada, ayaa haddana waxaa nagu soo biiray Ciidanka xoogga dalka, waana iska barbar dagaalanay markii meel oo la qabtana waxaan uga tagnaa ilaalinta goobtaasi Ciidanka deegaanka, waajibaadkeenuna sidaas ayuu ahaa Ilaahna waa nagu guuleeyay”,ayuu sii raaciyay Guddoomiye Cali Jeyte Cusmaan.

Guddoomiyah oo sii sharaxay qaab dagaalka Kooxda Khawaarijta ayaa sheegay in aysan aqoon dagaalka iska hor imaad ah  balse ay yaqaaniin oo kaliya Qarax, dhabbagal  ismiidaamin  Gaadmo iwm,  ” xitaa waxaa ka dagaal badan Macawisleyda ” ayuu sii raaciyay Cali Jeyte.

Halgankaasi Bulshada oo ka bilowday Gobolka Hiiraan waxa uu ku sii fiday Gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe, kaasi oo iyagana si weyn u jabiyeen Kooxda Khawaarijta, waxaana la xoreeyay dhammaan Degmooyinka iyo magaalooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ka kooban yahay, waxaana la isku furay Waddooyinka isku xira Gobolada dhexe. Iyadoo uu bilowday in la iskaga wada goosho Deegaanada dhaca Gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Galguduud iyo Mudug, waxaana guushaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe.

“Waxaa Ilaah mahaddiis ah in dhammaan Deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe ay ka xoroobeen Khawaarijtii muddo badan gacanta ku heysay, dhibaatadii ay Ummadda ku hayeen maanta ayaga ayaa isku haya, waa socon la’yihiin  maalinti socod ma leh, habeenkiina hoyaad ma leh, Ilaah baa bedelkoodii siiyay, waxaana Rabbi ka baryaynaa in dhibaatadooda ay nagu sameeyeen intaas noogu ekeeyo” ayuu intaasi raaciyay mar uu Dadweynaha Al-kowthar la hadlaayay.

” Culumaau’diinka qoladaan waxay ka soo saareen Fadwo, waxayna ku sheegeen Khawaarij,  dhibkoodana horaa loo sheegay, waxaana rabnaa sidii ay u kaceen Dadka Deegaanku  ay sii wadaan naf hurkooda, lana sii wado halganka lagu suulinaayo Kooxdaasi Argagixisada ah arxanka daran” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhinaca kale, intii uu socday howlgalka looga xoreeynaayay Deegaanada ay gacanta ku hayeen Kooxda argagaxisada ah ayaa looga dilay in ka badan 3 kun oo Khawaarij, kadib markii la xoreeyayna Deegaanno badan, Goboladuna isku furmeen ayaa waxaa bilowday isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, mid ka mid ah dadka rartay Gaadiidka Xamuulka ee Gobolada ee loo yaqaan Kaariyada ayaa ii sheegay in safardooda ganacsi ay si habsami ah ugu socdaan, “ waxaan ka reeysanay dhibaatada ay nagu hayeen Khawaarijtu oo isugu jirtay lacago baad ah oo aad sarreeya iyo in mar walba Rarka nagala dajiyo, kadibna dib aan u rarnaa, iyagoo leh wax baan ka baareynaa”, ayuu yiri Kaarigaasi u rarta Badeecadaha deegaanno ka tirsan Gobolada dhexe oo Wakaaladda SONNA la hadlay.

Qallinka C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo gaaray Baraawe

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose, iyadoo halkaasi uu ku…

GudahaWararka
May 30, 2023

Madax ka tirsan Gaashaandhigga oo ka qeyngalay aaska saraaiil ka tirsan ciidamada

Muqdisho.(SONNA)...Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen.Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay ka qeybgaleen aas…

Gudaha
June 4, 2021

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

Muqdisho(SONNA):-Deyn cafinta Soomaaliya waxay ay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii…

GudahaMaqaallada
February 15, 2023

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kismaayo kula kulmay Siyaasiyiinta Jubbaland ee Gedo “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland…

GudahaWararka
July 7, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023