Muqdisho(SONNA)–Mareykanka ayaa kordhinaya kaalmada milateri ee uu siiyo Soomaaliya xilli uu dalku guul u arko in uu la dagaallamayo waxa uu Mareykanku ugu yeeray “shabakadda Al-Qaacida ee ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, A USAF C-17 ayaa dhawaan ka soo degtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyadoo soo gaarsiisay dhowr boqol kun xabo oo ah rasaasta fudud ee Ruushka lagu sameeyo oo ay adeegsadaan guutada Danab ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Doladda Mareykanka bayaan ay soo saaray ku sheegay in uu ku taageerayo duulaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay hogaamineyso ee ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab, kaasi oo dib u qabsaday deegaanno tan iyo bishii Agoosto.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab ayay kala wareegtay Dowladda Maarkanka, iyadoo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay , Mr; Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah khawaarijta, iyadoo Dhanka kalena, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka khawaarijta, wuxuuna xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Dhinaca kale WARSAXAAFADEED aya soo saareen Ururka Midowga Yurub EU ayaa lagu sheegay in Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya: Goluhu wuxuu ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Xarunta Nabadda Yurub ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Guddiga Siyaasadda iyo Amniga (PSC) ayaa ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo ee qaybta militariga ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxayna Labadaasi ficilba ay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ATMIS-ka ee SNA, iyadoo u oggolaanaysa kuwa hore inay gutaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda kuwa dambe.
Miidowga Yurub wuxuu ku dari doonaa 85 milyan oo Yuuro agabkii hore loogu abaabulay ATMIS ee 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu talagalay SNA. ATMIS, Muddadii u dhaxaysay 1-da Luulyo 2021 – 31 Diseembar 2022, taageeradii hore ee EPF waxay gaaraysay €185 milyan. Ciidanka XDS, iyadoo Taageeradii hore ee SNA ee hoos timaada EPF ay la ansixiyay Noofambar 2021, waxayna gaaraysaa €20 milyan. waa ka ugu badan ee sida tooska ah wax ugu tabaruca ATMIS wadar ahaan lacag dhan €2.4 bilyan tan iyo 2007.
Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii ahaado xiriir dhow oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto hawlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha la gaaray ilaa hadda. isku dubaridka iyo hawlgelinta wadajirka ah ee Midowga Yurub si loo taageero amniga iyo nabadda Soomaaliya, iyo guud ahaan Geeska Afrika, waxaana si gaar ah loogu lamaanay taageero karti-dhis ah oo la siinayo XDS, iyadoo ujeedadu tahay in la ogolaado xil wareejinta mas’uuliyadda amniga. Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya ee arrintan la xiriira waa mid waafaqsan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee khuseeya iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.
Taageerada qaybta milatariga ee ATMIS iyo SNA waxa lagu maalgeliyaa Cabbirka Caawimada ee lagu taageerayo Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Afrikaanku hormuudka ka tahay qiimihiisu yahay €600 milyan ee hoos yimaada EPF oo daboolaya muddada 2022-2024-ka.
Dhinaca kale Dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay u dirayaan in ka badan 30,000 oo Askari oo dheeraad ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, taasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna Waddamada deriska la ah Soomaaliya oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa la sheegay inay ballan qaadeen inay u dirayaan in ka badan 30,000 oo askari oo ka baxsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo dhinaca ammaanka ah, waxaa kaloo jirta in seddexdaasi dal ayaa sidoo kale la sheegay in ay bixin doonaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan ciidamada.
Xuseen Sheekh Cali, oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka, ayaa VOA u sheegay Khamiistii in ciidamada ay imaan karaan bisha May. Ciidaankaasi oo wata hubka culus oo ay ka mid yihiin Madaafiicda goobta iyo Taangiyo.
Horaantii bishan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda seddexda dal ku martigeliyay shir-madaxeedka arrimaha difaaca, kaa soo ay isku raaceen in la sameeyo hawlgal “baarid iyo burburin”. Sare u kaca ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee wejiga labaad ee howlgallada milateri ee Soomaaliya.
ATMIS waxay leedahay dalal ay ciidamo ka joogaan Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, iyadoo askar iyo shaqaale taageero la geeyay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo Tirada guud ee askarta howlgalka ka qeyb qaadatay ayaa gaareysa 18,586.
By C/laahi Ruush