Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madax ka tirsan dowladda oo ka qabgalay Xuska 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madax ka tirsan dowladda oo ka qabgalay Xuska 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shiinaha
GudahaWararka

Madax ka tirsan dowladda oo ka qabgalay Xuska 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shiinaha

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 25, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf, Ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo madax kale  ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyay munaasabaddda ayaa ugu horeyn Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ugu hambalyeeyay sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay, waxaana uu ku bogaadiyay horumaradda dhinacyada kala duwan ee ay ku talaabsadeen.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay dhinacyo badan ka taageerto dalalka Afrika gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u sheegay in laga soo bilaabo xiligii burburka ay shacabka Shiinaha iyo dowladooda dhinacyo kala duwan ka taageerayeen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dadka Soomaaliyeed aanu weligood iloobi doonin abaalkaas.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa si gaar ah u xusay horumarka iyo isku duubnida dowladda Shiinaha, isagoo carrabka ku adkeeyay taariikhda dheer ee xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taabbo-gal ah, laguna dhisay is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka. Wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Shiinaha ku leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyada oo qorshayaasha mustaqbalka dhow ay diiradda saarayaan in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca, teknolojiyadda, iyo tababarka xirfadeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in ay sii wadato xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Xagaa : in aan Itoobiya la dagaal geli karno waxaa tusaale u ah hawadeenna oo aan ka celinay diyaaradaha aan u qalmin

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS mudane Maxamed Cali Xagaag oo ka qeybgalayay dood looga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya…

GudahaWararka
January 21, 2024

Wasiir Bayle oo Guddoomiyay shirka Billaha ee Maaliyadda Dalka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta oo axad ah shir guddoomiyay kulanka Billaha ah ee…

Wararka
July 6, 2020

DEG DEG:- Weerar Lagu Dilay Dad Shacab ah Ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Saax-qurun

Galkacyo…SONNA…Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug. Weerarkaasi…

Gudaha
July 11, 2021

Wasiir Huruuse oo furay tababar ku saabsan Diblomaasiyadda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa maanta tababbar u furay dufcadii 11-aad oo ku biirtay Machadka…

GudahaWararka
July 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023