Muqdisho.(SONNA):- Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta ansixiyay Qorsha Guud ee Baarista 2023 ee la xiriira sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31 Diseembar, 2022 kaasi oo qeexaya baaxadda iyo nuucyada baarista la qorsheeyay in la sameeyo.
Qorshahan oo ku salaysan lafa-gur ballaaran oo lagu sameeyay qiimaynta khataraha ayaa la filayaa inuu halwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ku gacansiiyo in ay si hufan oo qorshaysan u gutaan waajibaadka Hantidhawrka.
Baaritaannada kala duwan ee la qorsheeyay sannadkan ayaa waxaa ka mid noqon doona:
- Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga (Compliance Audit);
- Baarista Warbixinta Maaliyadeed (Financial Audit);
- Baarista Waxqabadka (Performance Audit);
- Baarista Tiknoolojiyadda (Information Systems Audit); iyo
- Baaritaanno gaar ah (Special Audits).
Baaritaannadan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu adkaynayo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dawlad wanaagga.