Muqdisho(SONNA:-Kooxda khawaarijta ee gabalkoodu dhacay hadana maraya xaalad quus ah ayaa waxa ay mudo dheer shacabka Soomaaliyeed ku hayeen dhibaatooyin isugu jiray dil,dhac iyo in ay gobaan Hantidooda iyagoo ka been sheegayay diinteenna suuban ee islaamka,waxan taa caddeyn u ah in ay la dagaalamayaan ayna bur buriyeen goobihii Cibaadada sida Masaajidyada ,Dugsiyadii Qur’aanka iyagoo Culimadii goobahaasi isugu daray kuwa ay dilaan iyo qaar ay ka masaafuriyeen degaannada ay gacanta ku hayeen ka hor inta aanan khawaarijta laga saarin.
Warabaahinta qaranka oo gaartay degmada Raaga ceelle oo ay khawarijtuย intii ay gacanta ku hayeen halkaa ka geystay dhibatooyin fara badan,iyagoo xili Ramadaan ah mu’adinkii masaajid sidoo kalana ahaa sama fale dadka danta yarta caawiyo ku dileen degmada Raaga Ceelle ee gobolka shebeellaha Dhexe, taas oo ka turjumeeyso ficillada gurracanย ay khawaarijtu uga been sheegaan diinta islaamka.
Nabadoon Axmed Jilcane waxa uu ahaa samadoon u adeega bulshada danta yara sidoo kalena ahaa Mu’adinka Masaajid ku yaal deegaanka Raaga Ceelle xili uu ku sugnaa gudaha maasjidka ayay khawarijtu ka wateen kadibna way dileen,waliba isaga oo ummada ugu yeerayo salaadda Subax,taa oo arggagax iyo Naxdin ku beertay dadka deegaanka Raaga ceelle,ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Tobban saac salaada adinkii hore ayuu adimay,wuu suneeystay kadib wey soo galeen,waxana muuqatay in sheekha aysan Aqoonin balsa kor laga tusay,garabka ayay ka qabteen weyna wateen” sidaa waxa yiri mid kamid ah odayaasha degmada Raaga Ceelle.
Maamo Ruqiyo oo kamid ah xaasaska uu qabay marxuum Axmed (Jilcane) oo Habeenka la dilay uu la joogay ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in markii uu saxuurtay kadib uu ka soo baxay Xafadda si shacabka deegaanka ugu kiciyo salaada,balsa khawaarijtu ay kula kaceen dil iyo in ay gubaan Hantidiisii,wana mid kamid ah ficillada gurracan ee khawaarijta
“Markii uu Saxuurtay kadib ayuu iga soo tagay, wuu adimay,anoo aqinka sugayoย salaada ayaa la isoo marsiiyay isagoo gacmaha ka xiran waxa ay i weydiiyeen furaha gaariga.kadibna in ay dileen ayaa la igu soo wargaliyay iyagoo noo diiday meydka in aan Aasano ayay tiri”Ruqiyo
Khawaarijta Arxanka daran ee Al-Shabaab Kuma aysan simin oo kaliyay in qoyskaanย Aabo tiraan,balsa waxa ay gubeen gawaaridii loogu shaqeynayay carruurta Agoonta,wana mid kamid ah ficillada naxariista daran ee lagu yaqaan khawaarijta ma ahan mid hal qormo kaliya lagu soo koobi karo ficillada garracan ee khawaarijtu ka geeysteen degmada Raaga Ceelle iyo guud ahaan deegannadii laga saaray khawaarijta,kuwaa oo hada shacabka deegaanadaa ay ku nool yihiin nolol ka duwan tii ay horay ugu jireen,dowladda ayana gaarsiisay gurmad isugu jira Caafimaad iyo in dib loo howlgaliyo adeegyadii bulshada.
Ciidamada xoogga dalka kuwa deegaanka ayaa casharo lama ilaawaan ah u dhigay khawaarijta meydadkoodan uu noqday Tira beel, halka qaar kamid ahna nolosha lagu qabtay,waxaana dowladda oo kaashaneyso shacabkeda ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa khawaarijta oo in mudda ah Nolol iyo hormarba u diidanaa shacabka Soomaaliyeed.
Khawaarijta ayaa hada wajahaya xaalad adag kadib markii dowladda ay ka jartay illihii dhaqaale ee baadda ahaaย shacabka ka qaadi jireen kadibna ay ku dhibaateen jireen,waxana hada xalkoodu maraya in ay horjoogayashoodii qaar kamid ah uu soo kaa dhax galo kala shaki,lana xanibo in aysan wax dhaq-dhaqaaq ah sameeyn karin,taas oo muujineeyso in ay burbureen khawaarijta arxanka daran.