Muqdisho-(SONNA)-Hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobollada Mudug, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa kooxaha khawaariijta looga dilay in ka badan 144.
Ciidanka XDS ayaa howlgal ay kusoo afjareen koox khawaariij ah oo weerartay guri ku yaal degmadda Cabdi casiis ee gobolka Banaadir waxay ku dileen afar xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.
Deegaan u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayay 14 xubnood isaga dileen khawaariijta, iyagoo iska dhaawacay tiro intaas ka badan, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Ciidanka lugta ee XDS.
Sidoo kale, deegaanka Shabeellow oo u dhow Qayacad ayaa duqayn iyo hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka, saaxiibbada Soomaaliya iyo xoogagga deegaanku waxay ku dileen 80 dhagarqabe.
Deegaanka Cadaley oo u dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 42 ka tirsanaa khawaariijta, sida noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.
Ciidanka xoogga dalka ayaa deegaan ku dhow Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.