Muqdisho.(SONNA):- Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.
Hindise sharciyeedka Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa ogolaatay 149-xildhibaan hal Xildhibaan ayaa ka aamusay Xildhibaan diidayna ma jiro, halka sharciga ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ogolaatay 148-mudane, laboย xildhibaan ayaa ka aamustay, xildhibaan diiday ma jiro.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa xildhibaanada uga mahad-celiyay ansixinta labadan sharci oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.