Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”
GudahaWararkaWaxbarashada

Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”

By Bile
Last updated: February 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada u helaa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah ayaa wasaaraaddu waxaa ay daah furtay hannaanka lagu shaqaaleysiinayo 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlay munaasabadda lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta ayaa is dul taagay hannaanka iyo habraaca loo marayo shaqaaleysiinta 3000 ee macallin, waxaana uu tilmaamay in la raacayo hannaan wasaaraddu dajisay oo cadaalad ah, una siman dhamman Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Faarax Sheekh Cabduqadir ayaa sheegay in dhibatooyinka dib u dhigay ee la haray dowladdnimada iyo bulshadda ee ay kamid ka yihiin dagaalada, musuqa, amni xumida, xassilooni darada, gaajada iyo dhammaan qodobada ee la xusi karo in aqoon la’aantu keentay.

“Markaan ka baxno halka ugu hooseysa ee liiska waxbarashadda ayaan ka baxeyna halka ugu hooseysa ee liiska musuqa iyo horumarka, Dhinac kaste eeg, xal aan waxbarasho ahayn oo dalkeennu iyo dadkeennu leeyahay ma jiro,  haddii ay tahay jahli, haddii ay tahay dagaal, haddii ay tahay khilaaf iyo xitaa kuwa na qarxinaya intaba waxaa ay ka yimaadeen aqoon la’aan” ayuu yiri wasiirka waxbarashadda

Wasiirka Faarax Macalin oo tilmaamayey muhiimadda Macalinka ayaa yiri  “Beni aadanku marka ay adduunka yimaadan waxaa ay ku kala horumaraan waa macalinaka, cidda wax baertay,marka iyagoon waxba aqoonin ayey adduunyada ku soo biiraan, haddii ay kala horumarsan yihiinna, waa sida wax loo baray, ummaduhuna sida ay u kala horumarsan yihiin waa sida ay wax u barteen”

Wasiirka waxbarashadda oo ka xog bixiyay baahida macaliinta ee jirta ayaa sheegay in 120,000 oo macalimiin ah loo baahan yahay, aadna ay u yar tahay tirada haatan la qorsheeyay ee ah 3000 macallin, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu shaqaaleysiinayo macalimiinta ay ka timid canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed.

“Markii wasaaradda waxbarashadda la ii magacaabay waxaan qoray codsiyo kala duwan oo ku aadan baahida waxbarasho balse jawaab kama helin, in la shaqaaleysiiyo 3000 macallin waa jawaab ka timid shacabka Soomaaliyeed ee bixiyay canshuurta, si canshuurtaas mushaar looga dhigo macalimiinta Soomaaliyeed”/ ayuu sheegay Faarax Cabduqaadir.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay hannaanka loo qaadanayo macalimiinta, ayaa tilmaamay in xulashadda iyo qaabka loo shaqaaleysiinayo macalimiinta ay tijaabo ku tahay wasaaradda waxbarashadda, qof walbana ay ku soo dhaceyso in loo mari doono hannaanka wax lagu qeybsado ee 4.5 ama in xildhibaan, Siyaasi iyo oday dhaqameed inay keenayaan macalimiinta. Balse waxaan go’aan sanahay inaan qaadno wado taas ka duwan oo ah hannaan iyo hab-raac loo siman yahay oo wasaaraddu dajisay.

“Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka 4.5, Xildhiban ama siyaasina ma keeni doono, waxaa loo maraya hannaan hufan oo ka bilaaabanaya hubinta dhammaan dokumeentiska iyo shahaadooyinka ay soo gudbistaan codseyaasha illaa imtixaanka guud ee la wada galayo,iyadoo ugu dambeyn loo furayom imtixaan soconaya lix bil oo lagu baranayo habka waxbarista” ayuu yiri wasiir Faarax Cabduqaadir

 

TAGGED:Wasiir Faarax Cabduqaadir "Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka"
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Faransiiska kaga qeybgalay shir muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Lyon ee dalka…

Gudaha
April 26, 2024

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan fogaan arraga ah la qaatay Madaxda IMF iyo World Bank

Muqdisho.(SONNA)...Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan fogaan arraga la qaatay xubno ka…

Wararka
August 7, 2020

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo gaaray Kismaanyo

Kismaanyo(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta…

GudahaWararka
June 19, 2023

Ra”iisul wasaare Xamse oo ku biiray Mudaharaadka ka socda Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Ra"iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda qaranka oo ku biiray Banaan baxa ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada…

GudahaWararka
January 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023