Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan, kuwaas oo gaaraya 150-askari.
Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortagga dambiyada, dambi baarista, ka hortagga rabshadaha iyo Booliska.
Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay la wareegan amniga deegannada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.
Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaannadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.
Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in howlgallada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale, tilmamay in ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan deegannadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah, isla markana ay la wareegi doonaan mas’uuliyada sugida amniga.