Dhuusamareeb(SONNA):-Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa goordhaw si rasmi ah u bilaabey doorashada kursiga Hop147, ย oo ay ku tartamayeen musharaxiinta kala ah, Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim iyo musharax Aamino Tahliil Warsame.
Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147 ee deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, isagoo ka Guuleystay Musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay,ka qeyb galeen Munaasabadda Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ah.
Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Agaasimaha Heyโadda Nabad sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad.