Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ayaa warbaahinta la hadlay markii Muqdisho lagu lasoo dhaweeyey kadib, wuxuuna si qota dheer uga hadlay hiilka ay walaalaha reer Jabuuti la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Wasiir Xasan Cumar ayaa si gaar ah u balan qaaday in Jabuuti ay kaalin hagar laโaan ah ku yeela doonto dagaalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo, kaas oo ciidanka Hiil-walaal ee Jabuuti ka socda ay dowladda Soomaaliya ku garab siinayaan.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay abaal-weyn u hayaan shacabka iyo dowladda Jabuuti.
Safarka wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ee Muqdisho ayaa la xariira ka qeyb galka shir weyn oo maalmaha soo socda ka dhici doona caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee Howlhalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Shirkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Soomaaliya uu ka socdo gobollada dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal lixaad oo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.