Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
    March 10, 2026
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hayโ€™adda WFP
    March 9, 2026
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen
Maqaallada

Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 29, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Waayo ayay ahaayeen horjoogayaasha kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwa ku nool, nolol heer sare, guryo qasriyo ah oo aysan ku soo tiir iyo tacab beelin, sida Villa Aadan Yabaal oo aheyd meelihii ay malaayiin ruux maankooda ku dooriyeen, iyagoo adeegsanayo mabaadiiโ€™ qaldan iyo marin habaabin aan meel uga oolin Diinteenna.

Maal qabeenno ayay ku noqdeen ka macaasha maalka masaakiinta iyo yatiinta ee miyiga iyo magaalooyinka ku nool, balse maanta waa kuwo guranaayo mirihii ay shalay beerteen.

Balliyadii, Beerihii Shabeelaha Dhexe iyo barwaaqadii Biyaha Webiga oo beri u aheyd halka baadda shacabka looga qaado โ€œWaa Maxkamad beenaadeeโ€ waa kuwa maanta ka jooga oo lagu baacsanayo Boholaha Miiroon iyo howdka Baraag ee gobolka Mudug oo aanan iyada xita looga harin baas looga bixiyay, boholihiina lagu dummiyay.

Sawirro laga soo qaaday gabaadka godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda ee deegaannada Galmudug gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug ayaa muujinayo haalagga iyo baabaโ€™ soo wajahay kooxdan oo baryahaanba gabbalkoodu sii dhacayay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa soo bandhigay sawirada godadkii ugu waa weynaa ee ay ku noolaayeen qaar ka tirsan horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ee gobolka Mudug.

Godadkaan ayay kooxdu u isticmaali jirtay inay isku qariyaan hoggaamiyaashooda aan awoodin in ay bannaanka u soo baxaan, waxaana godadkaas lagu arkay waxyaabo lala yaabo oo ay ka mid yihiin xafaayado ay isticmaali jireen mararka oo ay gudanayaan xaajada Musqusha ama suuliga, si aysan banaanka ugu soo bixin.

Sababta ugu weyn ee ku kaliftay arintaan ayaa ah in halkaas gabbaad ka dhigtaan, sidoo kale kaga gambanayeen duqeymaha is daba jooga ah ay kala kulmayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee saaxiibada caalamka ee dhanka howlgalka ka taageero Soomaaliya.

Godadka ayaa sidoo kale waxaa lagu arkay maacuunta wax lagu karsado sida Tarmuuska ama Falaaska, kuwaas oo mararka qaar loogu keeni jiray raashinka.

Dadka deegaanka ee sidoo kale goobtaas tegay ayaa sheegay in bannaanka hore ee godadkaas daadsan yihiin xafaayadaha dadka waa weyn, oo cabirayo cibaarada jirto.

Waxaa la yaab noqotay in kooxdii shalay noloshii la ogaa ku jirtay ay maanta gunta hoose iyo bahlo galeenka howdka ka raadinayaan meel ay gabaad ka dhigtaan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib-u-xorreynta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa geedba iyo godka kasta oo ay galaan khawaarijta goynaya, waxaa maanta laga goynayaa goโ€™doomintii iyo gobood faladii ay horray ugu geysteen bulshadda,

Kooxda diinta ku raad gadata ee argagixisada ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay dagaal saddex dhinac oo kooxdan lagu soo afjarayo kuwas oo kala ah, dagaal furimaha, dagaalka dhaqaalaha oo looga joojinayoo dhaqaalaha iyo baada shacabka ay ka xaabsadan iyo dagaalka fikirka.

Shirweynaha culimada Soomaaliyeed waxay ku cadeeyen shirkooda sida kooxdu fikirka argagixisadu uu ugu saleysan yahay gaaleysiinta dadkeenna Islaamka ah iyo marin habaabinta ay ku hayaan diinta. Iyagoo soo bandhigay sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab iyo in la dabar-gooyo sababaha keenna xagjirnimada. Culimada ayaa dul istaagay fikirka gurrucan ee Khawaarijta, waxayna caddeyeen haboow-sanaantooda kooxda ku qaraabada diinta.

Sidoo kale, Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay dhibaatada fikirka xagjirnimada, sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda Islaamka iyo doorka culimada ee xorreynta dalka taas oo tallaabo kale oo dhabar jab ku ah kooxdan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SONNA): Degmadaย Buulo burdeย ย oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan…

March 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka

Shirkadda difaaca Turkiga ee Bogazici Defence Technologies waxay soo jeedinaysaa dareenka warshadaha Difaaca Caalamiga ah (IDEF) 2025 oo leh habka…

CaalamkaMaqaalladaTechnology
July 27, 2025

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay…

GudahaMaqaalladaWararka
January 7, 2023

โ€˜Dhabarkeygu jabay saan dan guud ugu dhakoolaayeโ€™ (WARBIXIN)

Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qeyb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug,…

GudahaMaqaallada
November 19, 2023

Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?

Muqdisho-(SONN)-Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya,…

GudahaMaqaalladaWararkaWargayska
September 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023