MUQDISHO-(SONNA)-Mas’uuliyiin ka socday Hay’addaha Turkiga ugu waa weyn ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmad deg dega ah ayaa maanta booqday xarunta cusub ee gurmadka deg deg ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee ku taal degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiintan oo ka kala socday Hay’addaha TIKA, Bisha CAS, iyo IHH ayaa waxaa xarunta gurmadka deg dega ee Hay’adda maareynta masiibooyinka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle, asagoona warbixin ka siiyay marxaladahii ay soo martay dhisida xaruntan, waxaana sidoo kale mahadceliyay Hay’addaha Turkiga sidii wanaagsaneed ee dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ugu soo dhaweeyeen asaga iyo wafdigiisa
Mas’uuliiyiinta ka socday TIKA, Bisha CAS, iyo IHH Turkiga ayaa ballan qaaday inay Hay’adda maareynta musiibooyinka ka caawin doonaan tababarida shaqaalaha ku shaqeyn doono xarunta cusub ee gurmadka deg dega, iyagoo ku amaanay shaqada hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed.