Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Soomaliya ayaa ku dhawaaqday in Khawaarihtu ay ka xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo lacagaha loogu shubi jiray, ka dib xog dhammeystiran oo hay’adaha arrimahan quseeyo ay u soo gudbiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagga oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladda dadaal badan ay gelisay sidii dabalgal loogu sameyn lahaa marinada dhaqaalaha baadda ee argagixisada qaataan.
“ Waxaa la xayiray 250-Akoon oo ka mid ah kuwii dadka Soomaaliyeed ee muwaadiniinta ah la soo wadaageen hay’adaha loogu talagalay in ay arrintaas ku soo wargeliyaan,waxaa la xanibay 70-numbar oo ah kuwo loo arkayay in Khawaarijtu u isticmaaleysay lacagaha sharcidarada, waxaa wali socda qorshaha kala saarista macluumaadka,” ayuu yiri wasiir Alcadaalla.
In ka badan Saddex kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo la soo xiriiray dowladda ayaa u soo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijtu xoog kaga qaataan shacabka Soomaaliyeed, waxayna fariimahan suurta geliyeen in la xiro akoonada qaar, halka kuwo kale lagu dabajiro lana xiro doono.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo sheegaan dhagar qabayaasha ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda si loo soo qabto caddaaladana loo marsiiyo.
Khawaarijta ayaa hadda ku jabtay dagaalka lagula jiro, waxayna dantu biday in ay ka cararaan deegaannadii muddada badan ay dadka ku dhibaateyn jireen.