Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.
GudahaWararka

Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka.

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Haddii hannaankan uu guuleysto, waxaa ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay tirade waddamada xubnaha ka ah gobolka ka dhigeysa siddeed, sannad kadib markii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo lagu soo darey ururka. Xubnaha kale ee ururka ka tirsan ayaa kala ah Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Tanzania, iyo Koonfuurta Suudaan.

Kulan dhowaan uu yeeshay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Baarlamanka Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Cadaaladda ee Afrika (EACJ) iyo hawlwadeennada EAC oo ka dhacay magaalada Machakos, ayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Peter Mutuku Mathuki, waxaa uu sheegay in marka ay soo idlaadaan wadaxaajoodka, in ka hor dhammaadka sannadka 2023-ka Soomaaliya rasmi ahaan loogu aqbali doono xubin ka noqoshada ururka.

โ€œWaxan dhammaadka bishan Soomaaliya u direynaa koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameyn doonta xaaladda dalka, kadibna waxay keeni doonaan warbixin. Warbixintaas waxaa lala wadaagi doonaa Golaha Wasiirada ee Uurka iyo Shir Madaxeedka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) si ay talo uga bixiyaan. Haddii loo arko inay buuxisay shuruudaha xubin ka noqoshada ururka, waxay Soomaaliya nasiib u yeelaneysaa inay noqoto dalka 8aad ee ururkan xubin ka noqda dhammaadka sannadkanโ€™โ€™ ayuu yiri Dr Mathuki, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Dr Mathuki ayaa sidoo kale xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka lana filayo in dakhliga haatan soo gala oo dhan 10 billion oo dollar la filayo inu labanlaabmo uuna gaari ilaa 20 billion oo dollar.

Soomaaliya waxay ururkan ku soo biirineysaa dhaqaalaha buluugga (kheyraadka badda) ee ay hodanka ku tahay , iyadoo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo qiyaastiisu tahay 3333km. Xeebaha Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay kaalin muuqata ka qaadan karaan kororka dhaqaalaha ururka, iyadoo dhanka kale waddamada xubnaha ka ah ururka ay qorsheynayaan inay yeeshaan suuq mideysan, lacag ka dhexeysa, iyo isku socodka muwaadiniinta dalalkooda.

Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu ka dhexeeyaa ilaa 300 oo milyan oo qof, waxaana ururka uu soo dhoweynayaa maalgashiga caalamiga si sare loogu qaado suuq-geynta wax soo saarka ee gobolka oo la gaarsiinayo qaaradda Afrika iyo dunida inteeda kale.

Xigasho Nation Kenya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee COMESA

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Lusaka ee…

GudahaWararka
June 8, 2023

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka…

GudahaWararka
July 11, 2023

Amiirka Qadar oo ka qeybgalay heshiis ay wada gaareen Dalalka Khaliijka

Magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga waxaa ku shiray madaxda waddamada Khaliijka, waxaanaย  markii ugu horreysay muddo 3 sanno ah kaddib…

Wararka
January 6, 2021

ย Afgaanistaan:Masjid ku yaalla Qandahaar oo lala beegsaday qarax

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay 13 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii qarax lala beegsaday masaajid ay leeyihiin…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023