Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira kulamadii kala duwanaa ee uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hayโadaha amniga Koofur Galbeed ayaa maanta la kulmay golaha malaaqyada dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulshada.
Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyey sida uu waqtiga badan ugu bixinayo sidii bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyey in ay hormuud ka noqon doonaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiimna ay tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.
ย