Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadley oo ka tirsan shabeelaha dhexe, waxay ku dileen ilaa iyo 15 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Xawaadley, Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen (Garweyne) horjoogihii deegaanka Jameeco iyo horjoogayaal kale.
Howlgalkan ayaa daba socday howlgal shalay ka dhacay isla deegaankan oo lagu dilay 61 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid qaraxyo lagu soo xiray, waxaana tani ay ka dhigaysaa khasaaraha Khawaarijta gaaray labo maalmood gudahood 76-xubnood oo hal deegaan looga dilay.