Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Ganeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, halka ay marayaan iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.
Generaal Caanood ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray howlgalka,islamarkaana deegaanno badan laga saaray argagixisada, wuxuuna shaaciyay amarro la xiriira amniga iyo sida loo xasillinayo goobaha la xorreeyay.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in aan la aqbali doonin dad shacab ah oo isticmaalaya furumaha dagaalka, taa oo keeni karta in cadawgu ku soo dhex dhuunto dhibna uu ka geysta sida qaraxyadii ka dhacay degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
“Waxaa mamnuuc ah in marka goobta lagu dagaalamay la qabto oo amniga la xaqiijiyo, in shacabka iyo gawaarida ka yimaada gobollada kale ay soo maraan goobahaas, taaย oo bixin karto sirta ciidanka waa in ciidanku ay sameystaan aagag aan dadka shacabka ah ka soo agdhawaan Karin, lana sugu amniga degaannada cadawga laga xorreeyo “Ayuu yiri Afhayeenku.
Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii ciidamada faray in ay foojignaan dheeri ah galaan si ay uga nabad galaan dhagarta cadowga, maadama Khawaarijta la wiiqay awood iyo fikir ahaan intaba.