Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: 10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira
GudahaMaqaalladaWararka

10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira

By Abdulkadir
Last updated: December 19, 2022
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hadafka ururada argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalad cabsi ah, arggagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelata bulshada meeshana  ka saarta in ay ka jawaab celiyaan.

Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dhegaha dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil.

“ Propaganda-da waa Oxygen-ka argagaxa”,  Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher (Iron Lady)  oo la dhihi jiray marwadii birta .

Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’,   si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw nahay ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-qodob oo sharci ah kunasaabsan sida loo weriyo wararka argagixisada, waana sida soo socota:-

  1. Ha warin wararka deg-degga ee aadan xaqiiqdooda heyn (Xan ama hebel baa sheegay)

Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey ama ay bixiyeen mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noq-noqotaa xaqiijinta sheekada.

Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah.

Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidaa sida dab keyn qabsaday, diyaarinta warka weerar argagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen(War Suuq) iyo mala’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn.

Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin.  Ha u qaadan wax  fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahan hubin.

  1. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada

Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo argagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faah-faahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka.  Xadidaada wararka noocan ah in la baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looguna adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay.

Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha.

  1. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda

Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin.

  1. Ha isticmaalin sawirada dad dhintay ama dhaawaca

Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin argagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayadda ay doonayaan argagixisada.

  1. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada

Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi oo ka dhigi karta in aad  sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye.

Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka.

  1. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka

Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay  mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda !

Ha iloobin waxyeelada ka dhalan karta in shaqsiyaad ka ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah.

  1. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada

Waa inaadan werin ama daabicin bayaan saxaafadeedka hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, ha iloobin in bayaanada ay ka buuxaan xeerar.  Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixisada sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga.

  1. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada

ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin.

  1. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso !

Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ( is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta.) si warbaahinta ay u daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawl-galada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleylayn lahaa dhacdadaas.

  1. Ha sheegin u diyaar garowga hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin !

Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama la daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaan ama dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka.

Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno tabankan qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna xil weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka bal si dhaw isu xasuusi labadii dhacdo ee Zoobe ka dhacday, yey ku gumaadeen ?!

Waxa tarjamay oo qoray: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dooxa kula kulmay Dhiggiisa Qatar

Dooxa,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah…

GudahaWararka
September 7, 2023

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID. Goobaha…

GudahaWararka
September 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaan la hakinin waxyaabaha qutul daruuriga ah

Muqdisho(SONNA)--Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah Biniaadamka sida qutul daruuriga ah. Maareeyaha Hey’adda Duulista…

WararkaWargayska
March 29, 2020

Golaha Ammaanka oo ansaxiyay ergayga cusub ee loo magacaabay Liibiya

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud António Guterres,ee ku saabsan in  Nickolay Mladenov uu noqdo…

Wararka
December 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023