Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: XFS oo burburisay go’aankii Ururka ONLY loogu aqoonsaday argagixo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > XFS oo burburisay go’aankii Ururka ONLY loogu aqoonsaday argagixo
GudahaWararka

XFS oo burburisay go’aankii Ururka ONLY loogu aqoonsaday argagixo

By Bile
Last updated: January 23, 2022
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Qaraarka golaha wasiirada ee ku saabsan dhiibistii cabdikariim sheekh muuse (qalbi-dhagax) iyo burinta go’aankii ururka onlf ku tilmaamay argagixiso

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalaaka Somaaliya:

Ka dib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia;

Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah: 1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ; 2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;

Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.

Kadib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;

Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Ayuu isku Raacay:

1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.

2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.

3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

 

 

TAGGED:XFS oo burburisay go’aankii Ururka ONLY loogu aqoonsaday argagixo
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo xiray shir Dib-u-eegis loogu sameynayay mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo xiray shir qaatay laba maalmood, oo ay ka soo…

GudahaWararka
January 31, 2025

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-(SONNA)-Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii arxan daradda ahaa ee xalay argagixisaddu ku qaaday maqaayad ay ku sugnaayeen…

CaalamkaWararka
November 28, 2020

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 ka 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐛𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA):-𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐌𝐅: Shirka koowaad oo ay shir guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚𝐥𝐢𝐧𝐚 𝐆𝐞𝐨𝐫𝐠𝐢𝐞𝐯𝐚 ayaa waxaa…

GudahaWararka
October 23, 2024

8 qof oo shacab ah ayaa khawaarijtu ku dishay Gobolka Hiiraan

Beledweyne-(SONNA)-Sideed ruux oo Shacab ah kana koobnaa laba qoys ayaa ku geeriyooday Qarax ay wadada ku aaseen khawaarijka Al shabab.…

GudahaWararka
July 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023