Muqdisho-(SONNA)-4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 14 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof xiran jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay maqaayad ku taalla ka soo horjeedka Xerada tababarka Ciidamada Gen. Dhagabadan ee Dagmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Abaaro 17:18Pm saacadda Geeska Afrika ayaa Qaraxย uu fuliyey Shaqsi Naftii halige ah uu la beegsaday maqaayad u dhawย Xerada tababarka Ciidamada Gen. Dhagabadan Ex. Nacnaca ee Dagmada Wadajir ee gobalka Banaadir halkaas oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.
Qaraxa ayaa sababay dhaawaca 14 Qof iyo dhimashada 4 Qofood oo ka mid ah dadkii Shacabka ahaa ee uu bartimaameedsaday dhagarqabaha sida uu wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay Afhayeenka Booliska Soomaaliya col. Cabdifataax Aadan.
Goobtaan uu dhagarqabaha isku qarxiyay ayaa mar sii horreysay sidaan oo kale uu isugu qarxiyay qof Naftii Halige ah oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa sida lagu yaqaanay sheegtay masโuuliyada qaraxa galabta ka dhacay maqaayadda lagu shaahayay ee ku taalla banaanka xerada tababarka ciidanka Gen Dhagabadan.