Muqfisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta daah furay Tababar ku saabsan Tabinta Tacadiyada jinsiga iyo daba-galka hannaanka loo maareeyo kiisaska noocaan ah ee ka dhaca Soomaaliya.
Aqoon kororsigaan oo ay soo qaban qaabisay Dalladda Media Women Network (MWN) oo kaashanaysa Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa waxaa ka faaโiideysanaya 40 Wariye oo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta magaalada Muqdisho, waxaana ay baran doonaan casharo la xariira hab tabinta xogaha ku saabsan tacadiyada Jinsiga iyo hannaanka loo soo bandhigo, iyada oo la ilaalinayo bad-qabka saxafiga, sharafta dhibbanaha iyo shuruucda dalka.