Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.
Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, Masโuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray goโaamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.
Goโaamadaas oo kala ah.
1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.
2.kala rarista maleeshiyaadkii dirirtu dhex martay.
3.In dowlad goboleedka Puntland la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.
4.Puntland waxay magacaabaysaa guddi kormeera qodobada lagu heshiiyey fulintooda.
5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย