Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”
GudahaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 23, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan.

                 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayey Qorshaha Isbeddelka Qaran

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka…

GudahaWararka
July 27, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim…

GudahaWararka
May 12, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ballan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya…

GudahaWararka
June 30, 2024

Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)

Iyadoo shalay galabta uu Madaxweynaha Soomaaliya DR: Xasan Sheekh uu gaaray dalka Itoobiya, ayaa waxaa isla shalay War murtiyeed laga…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023