Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada Dawlad gobolleedyada Dalka ayaa Muqdisho ka furay shir wada tashi ah oo ku saabsan iskaashiga dhamaystirka diiwaanka mideysan.
Wadatashiga ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xog keydiyaha barnaamijka baxnaano, iyadoo hannaankan ay Dawladda maamuleyso uu gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota, taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha.
Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Wasiir ku-xigeenka Koonfur Galbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay ka goโantahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaba gabada kulanka sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadanayso kobaca Bulshada nugul, wuxuuna tilmaamay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nugul ee ku nool dalka.