Muqdisho (SONNA)- Tababar ku saabsan Maareeynta halista Musiibooyinka Qaran ayna ka qayb galeen ku dhawaad 30 wakiilo, la-taliyeyaal iyo agaasimeyaasha hay’adaha dawladda Soomaaliya ayaa maanta Khamiis ah uga soo geba-gaboobay Teendhada Afisiyoni ee magaalada Muqdisho.
Tababarka oo qaatay labo berri, qaybna uu ka ahaa la tashiyo ku saabsan sida dhaqsiyaha badan ee looga jawaabi karo marka ay masiibo dhacdo ayna soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Hawlgalka Gurmadka Deg Degga ah ( NEOC) taasi oo ka hoos shaqaysan xafiiska Ra’isul wasaaraha.
Mas’uuliyiin ka kale socda Xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Beni’aadinimada & Maareynta Musiibinka ayaa door weyn ku lahaa qorshaha, waxa ayna xuseen in Xarunta ka jawaabinta xaaladaha deg degga dhismaheeda laga dhaga dhigay deg. C/casiis ee gobalka Benaadir.
Waxa sidoo kale ka joogay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Difaaca, Amniga, Qorsheynta & Hay’adda Duulista Hawadda.