Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
    Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
    July 1, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
    July 1, 2025
    Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYIHII AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA EE AGA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYIHII AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA EE AGA
GudahaWararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYIHII AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA EE AGA

By Agaasimaha SONNA
Last updated: October 9, 2021
2 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday Magaalada London.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee uu Marxuumku ka soo qaatay u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta afka iyo qoraalka. Marxuumka oo ahaa qoraa iyo bare sare oo aad loogu yaqaanno Cilmiga Afafka ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd, isaga oo hadda hayey xilalka kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ahaa qoraa kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo Ummadda uga tagay dhiganeyaal dhaxal reeb ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta

Seville, Spain-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Hirshabeelle.

Muqdisho (SONNA)- Xildhibaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaw madaxdweynaha cusub ee afarta sano ee soo socota hoggaamin doono u doortay…

Wararka
November 11, 2020

Maxaa laga baran karaa dagaalkii Ceel Cali Axmed? (WARBIXIN)

Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah…

GudahaMaqaallada
February 22, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Q.M.

New York, 18 September, 2023 - Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee…

EnvironmentGanacsigaGudahaSawirroSiyaasaddaWararka
September 18, 2023

Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale Saakay u fariisaneyso Dhageysiga dacwad ka dhan ah nin gubay xaaskiisa

Muqdisho;-(SONNA):-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo…

GudahaWararka
February 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023