Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Biljam, Danjire Olivier Belle.
Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto waajibaadkiisa, wuxuuna dhinaca kale u ballanqaaday inuu siinayo dhammaan taageerada si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal .
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay,wuxuuna caddeeyay ย in si hufnaan ah uu uga shaqeyn doono iskaashiga labada dal.
Kulanka wareejinta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacay Caasimadda Brussels ,waxa uu qeyb ka ahaa munaasabad gogol-xaarka oo la doonayo in Boqorka Biljim, Boqor Philippe si rasmi ah loogu wareejiyo dukumiintigaasi oo dhameystiran.